15-May oo maanta laga xusay Muqdisho.
(Mogadishu,
Thursday
,15,May
2008,(Hornafrik
Media)
Munaasabad lagu waynaynayay maalinta dhalinyarada soomaaliyeed ee
15-May ayaa maanta ka dhacday qeybo ka mid ah Magaalada
Muqdisho.
Ururkii Dhalinyarada SYL oo ku beeganeyd 15-May 1943 ayaa waxaa
maanta lagu qabtay Munaasabad luga xusay Maalinaas qeybo badan
oo ka mid ah Gobolada Dalka iyo Caasimadda Soomaaliya ee
Magaalada Muqdisho.
Munaasabadaan oo maanta si heer sare ah uga dhacday Hotel-ka Saxafi
Tow ee Magaalada Muqdisho ayaa waxaa ka soo qeyb galay dad aad
u fara badan, kuwaas oo ka kala socday Bulshada Rayidka ah.
Sanad waliba ee 15-ka bishaa May waxaa dhacda amaba la qabtaa Xus
lagaga gol leeyahay Dhalinyaradii Ururkaasi waxyaabihii ay ku
qabteen sida Xornimadii ay u soo hooyeen Dalka Soomaaliya iyo
shacabkiisa intaba, waxaana laga doonayaa Dhalinyarada
xiligan si loo gaaro Xornimada ay keeneen oo kale ama mid ka
sareysa in ay kaga daydaan geesinimadii 15-kaas dhalinta
Soomaaliyeed ah.