3 qof oo ku geeriyootay weerar ka dhacay maanta deegaanka
Leego.
(Mogadishu,
Thursday
,15,May
2008,(Hornafrik
Media)
sadex qof ayaa ku geeriyootay 4 kalena waa ay ku dhaawacmeen labo
ka mid ah yihiin ciidamada booliska ee gobolka shabeelaha
Hoose iska Hor’imaad Maantay ka dhacay deegaanka leego ee
gobolkaasi kaasoo u dhaxeeyay ciidamada Booliska dowladda iyo
kooxo hubeysan oo weeraray barkoontarool oo ay joogeen
ciidamada dowlada.
Dagaalkaani oo ahaa mid gaadmo ah ayaa la sheegay inay soo qaadeen
kooxo hubeysan oo ana ilaa iminka la sheegin
ujeedadooda.waxabna dhacdadaan u xaqiijiyay Hornafrik
gudoomiye kuxigeenka dhanka amaanka ee gobolka shabeelaha
Hoose Maxamed Maxamuud Cilmi.
Qaar ka mid ah saraakiisha gobolka shabeelaha Hoose ayaa sheegay in
falal amaan dari ah ay gobolka baryahaan ka jirto iyadoo dhowr
mar horey halkaasi loogu weeraray ciidamada itoobiya.
Dhawaan ayay ahayd markii gudoomiyeha gobolka shabeelaha uu sheegay
in maamulkiisa uusan waxba ka qaban Karin amaanka gobolka inta
ciidamada gobolkaasi la siinayo mushaarad toos ah oo ay
shaqada ku qabtaan.