Ciidamada dowlada kmg ah oo maantay siyaabo kala duwan loo weeraray.

(Mogadishu, Thursday ,15,May 2008,(Hornafrik Media)

Gaari ay la socdeen ciidamo ka tirsan dowladda kmg ah ee Somalia ayaa maantay qarax la gula beegsaday wadada Maka A; Mukarama  ee Magaalada Muqdisho Halkaasoo la sheegay inuu ka soo gaaray khasaare xoog leh.

Qaraxaan oo dhacay abaare maantay lixdii duhurnimo ayaa waxa uu ka dhacay meel aan ka fogeyn Hotelka Ambasador.

Gaarigan la beegsaday oo ahaa Nuuca tiknikada Cabdibilaha loo yaqaano ayaa waxa la sheegay inuu aad u burburay oo xataa la kala saari waayay in miinada la kacday ay isaga saarneed iyo in kale.

Ilaa hada lama xaqiijin khasaaraha rasmiga ah ee ciidamada dowlada qaraxaasi ka soo gaaray,balse warar lagu kalsoonyahay ayaa sheegay in ugu yaraan 7 askari ay halkaasi ku geeriyoodeen.  

Dhinaca kale askari ka tirsan ciidamada dowladda ayaa geeriyooday maantay kadib markii kooxo hubeysan ay weerar ku qaadeen suuqa Dayax ee degmada Huriwaa.

Dad goobjooyaal ah ayaa u sheegay Hornafrik inay arkayeen askar gaaraysa ilaa labo oo kooxaha weerarka gaystay ay qabteen iyadoo kooxahaasi ay la wareegeen gacan ku haynta suuqa dayax.

Weerarada ka dhanka ah ciidamada itoobiya iyo kuwa dowlada kmg ah ayaa u muuqanaya inay sii xoogaysanayaan iyadoo aysan Muuqan talaabo arrimahaani lagu joojinayo waxana dhibaatada ugu badani gaaraysa dadka rayidka ah ee labada dhinac ka madaxa banaan.

 wararkii Hore

Copyright © HornAfrik Media INC. 1999 - 2006. All rights reserved
Designed by AfroTech
Webmaster-Faracade20@hotmail.com