AL shabaab oo si nabad ku tagay Diinsoor.

(Mogadishu, Thursday ,15,May 2008,(Hornafrik Media)

Xoogaga Al shabaab ayaa mar kale la wareegay gacan ku haynta degmada Diinsoor ee Gobolka Baay iyadoo wax iska Hor’imaad ah uusan Halkaasi ka dhicin.

Ciidamada Al-Shabaab ayaa markii ay galayeen magaalada Diinsoor waxaa isaga baxay maamulki halkaasi u joogay dawladda Federaalka Somaliya iyadoona aan la heyn ilaa iminka masuuliyiinta deegaanadaasi joogay.

Ma jiraan wax hadal ah oo warbaahinta ay siiyeen xoogaga Al Shabaab ee ku sugan magaalada Diinsoor inkastoo ay ku sheegeen boggooda Internet-ka in howlgalki ay ku tageen degmada Diinsoor uu ahaa mid kormeer ay ku marayaan gobollada Bay

 wararkii Hore

Copyright © HornAfrik Media INC. 1999 - 2006. All rights reserved
Designed by AfroTech
Webmaster-Faracade20@hotmail.com