Puntland oo xirtay 5 nin oo dhalinyaro ah.

(Mogadishu, Wednesday ,14,May 2008,(Hornafrik Media)

Ciidamada Maamulka Puntland ayaa garoonka diyaaradaha magaalada Boosaaso ka xiray 5 nin oo dhalinyaro ah kuwaas oo la socday diyaarad shalay garoonka ka soo degtay.

Dadkaan uu xabsiga dhigay maamulka Puntland ayaa waxa ilo ku dhaw ay HornAfrik u sheegeen in ragaani tababaro ku soo qaateen wadanka Erterea.Maamulka Puntland-na sidaas uu ku tuhmayo.

Markii shalay ragaani laga qabtay Magaalada Boosaaso waxa loo gudbiyay Magaalada garoowe laakinse codsiyo badan oo ay keenen golaha xukuumadu iyo odoyaal dhaqameed waxa dib ragaasi loogu soo celiyay boosaaso.

Arrintaan ayaa loo saaray inay baaris ku sameeyaan gudi isugu jira culuma u diin iyo waxgarad.

Si cad looma sheegi karo sababta rasmiga ah ee dadkaani loo xiray mana jiro wax Mas’uul ah oo ilaa hada arrintaan ka hadlay,laakinse dhowr jeer oo hore ayaa maamulka Puntland lagu eedeeyay in itoobiya uu gacanta u galiyay dadka la sheegay inay ka tirsanaayeen Jamhada ONLF.

 wararkii Hore

Copyright © HornAfrik Media INC. 1999 - 2006. All rights reserved
Designed by AfroTech
Webmaster-Faracade20@hotmail.com