Sadex qof oo lagu dilay maanta iyo xalay Kismaayo.

(Mogadishu, Wednesday ,14,May 2008,(Hornafrik Media)

Hal ruux oo rayid ah ayaa ku dhintay sadex kalena waa ay ku dhaawacmeen shaqaaqo ka dhacday magaalada Kismaayo ee gobolka jubada Hoose iyadoo ay ka sii darayso xaalada amaan ee degmadaasi.

Wararku waxa ay sheegayaan in dadka dhintay iyo kuwa dhawacmay oo rayid ahaa ay hal mar ku yaaceen gawaari raashin u waday Hay’adda WFP raashinkaasi oo la doonayay in laga qaybiyo xaafad ku taala Kismaayo.

Qaar ka mid ah dadka ku dhaqan kismaayo ayaa sheegay in qofka dhintay ahayd haweenay waxana meydkeeda meesha ka qaaday qaraabadeeda iyadoo dhinaca kale xalay nin hubeysan uu kismaayo ku dilay labo qof mid kalena uu ku dhaawacay.

Magaalada kismaayo ayaa waxa ka socday arrimo amaan daro iyadoo ay jiraan sida wararku tibaaxayaan kooxo maleeshiya ah oo isbaarooyin dhiganaya wadooyinka Magaaladaasi.iyagoo xiray dhaqdhaqaaqii dekada Magaalada waxana isbaarooyinkaasi cabasho ka muujiyay qeybaha kala duwan ee dadka ku dhaqan magaalada.

Ma jirto cid ka tirsan dhinacyada isku haya siyaasada soomaaliya oo wali amaanka magaalada kismaayo gacanta ku dhigay islamarkaana soo celiyay ammaankii iyo kala dambeyntii Magaalada Kismaayo

 wararkii Hore

Copyright © HornAfrik Media INC. 1999 - 2006. All rights reserved
Designed by AfroTech
Webmaster-Faracade20@hotmail.com