Ciidamo maanta lagu weeraray
Muqdisho.
(Mogadishu,
Wednesday
,14,May
2008,(Hornafrik
Media)
Ciidamo ka tirsan dowladda kmg ah ee soomaaliya iyo kuwa Itoobiya
ayaa maanta si gooni gooni ah qaraxyo la gula beegsaday
magaalada Muqdisho halkaasoo ay ka dhasheen khasaare dhimasho
iyo dhaawac leh.
Barqanimadii maantay ayaa gawaari ay wateen ciidamo itoobiyaan ah
oo marayay isgoyska Towfiiq ee degmada yaaqshiid waxa halkaasi
la gula beegsaday qarax Bambaano oo nuuca gacanta laga tuuro
ah.
Ciidamada itoobiya ayaa sida la sheegay waxa halkaasi ka soo gaaray
khasaare isagu jira dhimasho iyo dhaawac iyadoo markaasi
kadibna rasaas ay fureen qaar kood dad rayid ah ay ku
dhaawacmeen.
Askari ayaa la xaqiijiyay in ciidamada itoobiya uu ka dhintay halka
mid kale uu ka dhaawacmay waxana rasaasta ay fureen ku
dhaawacmay labo qof oo rayid ah kuwaas oo mid ahayd haweenay.
Dhinaca kale sadex qofood oo rayid ah ayaa ku dhaawacmay meel ka ag
dhaw saldhiga galbeed ee degmada dharkeenley. Kadib markii
halkaasi lagu weeraray askari ka tirsan ciidamada dowladda kmg
ah wallow askarigaasi aysan wax dhibaato ah soo gaarin.
Ma ahan markii ugu horeysay oo falal nuucaan ah ay ka dhacaan
Magaalada Muqdisho iyadoo ay arrimahaani ka noqdeen caasimada
qayb ka mid ah nolol maalmeedka dadka.