(Mogadishu,
Wednesday
,14,May
2008,(Hornafrik
Media)
Hal qof oo rayid ah ayaa ku geeriyooday mid kalena waa uu ku
dhaawacmay kadib markii ciidamada dowladda
KMG ah ay rasaas ku fureen gaari marayay wadada Ex-control
Afgooye ee duleedka Magaalada Muqdisho.
Dhimashada qofka rayidka ahi ayaa timid kadib markii askari ka
tirsan ciidamada dowladda kmg ah uu rasaas ku furay gaari
nuuca xaragada ah kaasoo uu saarnaa ruuxa geeriyooday oo la
sheegay in rasaasti ka haleeshay Madaxa iyadoo sidoo kale
wadihii gaarigaasi uu isna dhaawac fudud soo gaaray.
Nin ay ilma adeer ahaayeen ninka dhintay ayaa sheegay in ciidamada
dowladda ee kusugan Ex-control afgooye labo askari oo ka
tirsan uu mid ka mid ah falkaasi gaystay xili uu ku amray inay
joojiyaan gaariga deetanada uu rasaasta la beegsaday.
Waxa la yiraahdaa Marxuunka dhintay C/Risaaq
Xuseen Cali, lamana oga sababta askari dowladda ka tirsan uu
dilkaasi ugu gaystay rayid.Laakin ma jirto cid wax iska
Waydiisa toogashada ciidamada dowlada iyo kuwa itoobiya u
gaystaan dadka rayidka ah.