Ciidamada itoobiya oo Dad rayid ah saakay qabqabtay

(Mogadishu, Thursday ,15,May 2008,(Hornafrik Media)

Ciidamada itoobiya ayaa saakay howlagalo balaaran ka bilaabay xaafadaha Towfiiq iyo Juungal halkaasoo ay dad ku qabqabteen.

Ciidamada itoobiya oo garbaha ku wata hub culus ayaa saakay gudaha u galay xaafada towfiiq ee degmada Yaashiiq.

Ciidamadaan ayaa la sheegay inaysan xaafadaha guri guri u galaynin waxaase ay beegsanayaan Masaajid KU taala deegaanadaasi iygaoo Masjid Ku yaala biya dageenka Towfiiq ka kaxeystay sadex ruux oo uu ka mid ahaa wadaad ka tirsan culuma u diinka tabliiqa,waxana sidoo kale ay isku Hareereeyeen Masjid kale oo ku yaala xaafada Juungal.sida ay sheegen dad goobjooyaal ahi.

Howlgalka ciidamada itoobiya ayaa ka dambeeyay kadib markii xalay lagu tuuray Bamgacmeed ciidamo itoobiyaan ah oo fariisin Ku leh agagaarka Soomaali-Post taasoo aan la ogayn khasaare ka dhashay waxana saakay istaagay ganacsigii iyo dhaqdhaqaaqii deegaanada ciidamada itoobiya isku fidiyeen.

 wararkii Hore

Copyright © HornAfrik Media INC. 1999 - 2006. All rights reserved
Designed by AfroTech
Webmaster-Faracade20@hotmail.com