Dowlada kmg ah oo dabacsanaan muujisay iyo Mucaaradka oo
doonaya in ciidamada itoobiya laga saaro Dalka.
(Mogadishu,
Tuesday,13,May
2008,(Hornafrik
Media)
Dhagayso wareysiga oo dhan.
Dowlada kmg
ah ee soomaaliya ayaa ugu baaqday mucaaradka ka soo horjeeda
inay sharuudaha ka saaraan wadahadalada la doonayo in la isu
soo hor fadhiisiyo wufuuda labada dhinac ee kusugan dalka
jabuuti.
Shir ay ka
wada qayb galeen wefdi ka socda dowlada kmg ah ee soomaaliya
iyo ururka dib u xoreynta soomaaliya ayaa shalay galinkii
dambe ka furmay magaalada Jabuuti ee dalka Jabuuti.
Shirkaasi
oo Mas'uuliyinta labada dhinac ay Khudbado ka wada jeediyeen
ayaa dhinaca dowlada kmg ah waxa ka muuqatay xoogaa
dabacsanaan ah.
Wasiirka
dib u heshiisiinta Dowladda
KMG
ah C/risaaq Ashkir Cabdi oo ah ninka hogaaminaya wefdiga
dowladda ee jabuuti shirka u tagay oo xalay u waramayay
Idaacada iyo TV-ga HornAfrik ayaa ugu baaqay mucaaradka inay
si sharuud la’aan ah u aqbalaan wadahadalo fool ka fool ah oo
ay isugu yimaadaan dhinacyada soomaalidu.
“Waxan
jecelnahay inaan la xaajoono walaalahayo ilaa xaalada ugu
dambaysa aanu la gaari karno taasina markaan is horfadhiisano
ayay bilaabanaysa”. sidaasi waxa sheegay.wasiirka dib u
heshiisiinta.
Dhan kale
ururka dib u xoreynta soomaaliya ayaa mar kale ku celiyay
inaysan marnaba hor fadhiisan doonin dowlada kmg ah iyagoo
sharuud uga dhigay wadahadalada in marka hore meel la isla
dhigo qaabkii ciidamada itoobiya ay dalka uga bixi lahaayeen.
Daahir
Maxamuud Geele oo ka tirsan xubnaha ka socda dhinaca
Mucaaradka ee kusugan dalka jabuuti ayaa sheegay inay diidan yihiin
inay kulamo la yeeshaan wefdiga soomaalida ah ee jabuuti
jooga,laakin waxa uu sheegay inaysan diidanayn inay la kulmaan
oo ay fuliyaan balantii ay la galeen Mas’uuliyiinta qaramada
midoobay ee uu hogaaminayo wakiilka gaarka ah ee xoghayaha
qaramada midoobay u qaabilsan soomaaliya Axmedou waldi
Cabdalla.
Ururka dib
u xoreynta soomaaliya oo la aaminsanyahay inay qeyb lixaad leh ka
ciyaarayaan dagaalada ciidamada itoobiya ku haysta gudaha
soomaaliya ayaa doonaya in qaramada midoobay ay kala hadlaan
hanaanka ciidamadaasi looga bixin karo dalka soomaaliya taasoo
fure u noqon doonta inay dowladda iyo mucaaradku heshiiyaan.