ciidamo itoobiyaan ah oo lagu wareeray Muqdisho iyo Sh.hoose.
(Mogadishu,
Monday,12,May
2008,(Hornafrik
Media)
kolanyo gaadiid ah oo ay wateen ciidamo itoobiyaan ah
ayaa maanta weeraro qaraxyo ah la gula beegsaday meel ku
dhaw deegaanka leego ee gobolka Shabeelaha Hoose,halkaasoo
ciidamada itoobiya looga gubay gaadiid.
Sida ay
xaqiijiyeen dad goobjooyaal ah kolanyo ciidamada itoobiya
wateen oo saakay ka tagay Magaalada Baydhabo kuna socday
magaalada Muqdisho ayaa lagu weeraray inta u dhaxaysa tuulada
Leego iyo degmada Buur Hakaba xili ay wadada marayeen.
Ciidamada
ayaa la sheegay in weerarkaasi looga gubay ilaa sadex ka
tirsan gaadiidka nuuciisu yahay Uraalka oo ay ciidamo
itoobiyaan ah saarnayeen wallow aan la ogayn khasaaraha nafeed
ee gaaray ciidamadaas.
Ciidamada
ayaa isku fidiyay meel 5km u jirta tuulada leego kuwaas dad
isagu jira odoyaal iyo dhalinyaro ka qab qabtay deegaankaasi
waxana ay joojiyeen isku socodkii dadka iyo gaadiidka u kala
gooshayay Muqdisho iyo Baydhabo.
Waa
weerarkii labaad oo ciidamada itoobiya mudo labo todobaad
gudahood ah loogu gaystay shabeeelaha Hoose,iyadoo horayna
khasaare xoogan uu ka soo gaaray ciidamada itoobiya.
Dhanka kale
wararka ka iimanaya degmada Bardaale ee gobolka Baay ayaa
sheegaya in gacan ku haynta degmadaasi ay la wareegeen xoogaga
Al shabaab arroorinimadii hore ee saakay.
Ciidamada
Al shabaab ayaa la sheegayaa in si nabadgalyo ah ay ku galeen
Magaalada,iyadoo wax iska hor’imaad ah uusan halkaasi ka
dhicin.
Dhinaca
kale labo askari oo ka tirsanaa ciidamada itoobiya ayaa ku
geeriyootay qarax maanta la gula beegsaday ciidamadaasi
agagaarka xaruntii hore talefishinka ee deegaanka towfiiq
Magaalada Muqdisho.
Ciidamadaan
ayaa la sheegay in markii la qarxinayay ay wateen gaari gacale
gaadiidka loo yaqaan kuwaas oo saarnaayeen raashin ay wateen
ciidamada itoobiya waxana gaari gacalayaamadaasi u waday dad
soomaali ah.