Isbahasiga oo hadalo is khilaafsan ku hadlay.

(Mogadishu, Wednesday ,14,May 2008,(Hornafrik Media)

Dhagayso warkan.

 Horjoogaha wefdiga isbahaysiga dib u xoreynta soomaaliya uga qaybgalaya shirka ka soconaya dalka Jabuuti C/raxmaan Cabdi Shakuur ayaa beeniyay hadalkii ka soo yeeray Sheekh Yusuf Indhacade oo dhinaca amniga u qaabilsan isbahaysigaasi kaasoo shalay sheegay inaan la gala tashanin wadahaladaasi islamarkaana uu qaadacay.

Indhacade oo la aaminsayahay inuu ka mid ahaa Hogaamiye kooxeedyadii ka jira dalka soomaaliya 16 sano ee la soo dhaafay, islamarkaana gacanta ku hayay gobolka shabeelaha Hoose ayaa waxa uu waayahaan ka mid ahaa isbahaysiga lagu dhisay dalka Ereteria waxana loo magacaabay xoghayaha Gaashaandhiga iyadoo horeyna uu u ahaa sidoo kale xoghayihii difaaca ee midowga Maxkamadaha islaamiga,

Mar uu shalay la hadlayay Sheekh Yusuf warbaahinta waxa uu aad u dhaliilay shirka ka socda dalka Jabuuti ee lagu wado inay isku hor fadhiistaan xubno ka socda isbahaysiga iyo dowlada kmg ah ee soomaaliya waxana uu ku tilmaamay shirkaasi mid lagu wiiqayo awooda kooxaha ciidamada itoobiya kula dagaalamaya gudaha soomaaliya kuwaas oo uu sheegay in khasaare badan ay u gaysteen ciidamada itoobiya tan iyo markii ay gudaha u soo galeen Soomaaliya.

Hadaba hadalkaasi kadib waxa Idaacada HornAfrik u suuragashay in arrintaan waxa laga waydiiyo Madaxa wefdiga hogaaminaya isbahaysiga dib u xoreynta soomaalida ee jooga dalka Jabuuti ahna gudoomiye kuxigeenka golaha dhexe C/raxmaan Cabdi Shakuur waxana isna uu dhaliilay hadalada ka soo yeeray Yusuf Indhacade.

C/raxmaan Cabdi ayaa waxa uu intaasi ku daray in mar walba ay xariir la samaynayeen indhacade gaar ahaan waxa uu carabka ku dhajiyay in isaga iyo sheikh shariif ay xariir toos ah la hayeen markii la joogay Nairobi iyo hada oo ay kusugan yihiin Jabuuti.

Xubnaha ka socda isbahaysiga ka qaybgalaya shirka Jabuuti ka dhacaya ayaa waxa ay taaganyihiin mowqaf adag kaasoo ah in ciidamada itoobiya ka baxaan dalka soomaaliya islamarkaana soomaalidu wadahadasho.

 wararkii Hore

Copyright © HornAfrik Media INC. 1999 - 2006. All rights reserved
Designed by AfroTech
Webmaster-Faracade20@hotmail.com