Dowlada Eritrea oo ku eedaysay dhibaatada Somalia Q.M iyo Mareykanka.

(Mogadishu, Wednesday ,14,May 2008,(Hornafrik Media)

Madaxweynaha dalka Eritrea Isaias Afewerki  ayaa ku eedeeyay Dowladda Mareykanka iyo Qaramada Midoobay inay sabab u yihiin dhibaatooyinka ka jira soomaaliya.

Madaxweynaha oo waraysiyay wakaalada Reuters ayaa si kulul ugu eedeeyay qaramada midoobay inaysan dhab ka ahayn dadaalada dib u heshiisiinta ee ay ka dhex wado dhinacayada isku Haya siyaasada dalka soomaaliya.

Afewerki waxa uu ku eedeeyay Qaramada Midoobay inay kala qaybinayso isbahaysiga dib u xoreynta soomaaliya si buu yiri loo wiiqo awoodooda siyaasadeed iyo kuwa milatari oo halkaasi ay ku istaagto dadaalada lagu doonayo in itoobiya looga saaro soomaaliya.

Hogaamiyaha Ereteria waxa uu weerar afka ah ku qaaday dowlada maraykanka oo u sheegay inay ku guul daraysatay siyaasadeeda soomaaliya iyo dhamaan tan Geeska Afrika.iyadoo uu carabka ku dhajiyay in Maraykanku si aan kala sooc lahayn u duqeeyay goobo dadka rayid ah deganaayeen oo kuyaala gudaha soomaaliya.

Mar uu ka hadlay sida uu u arko dagaalada ka socda soomaaliya ayuu sheegay madaxweynaha dalka Ereteria inay yihiin kuwa xaq ah islamarkaana ay tahay in soomaalida lagu taageero sidii ay dalkooda uga saari lahaayeen ciidamada itoobiya.

Hadalka madaxweynha Ereteria ayaa imaanaya iyadoo dadaalo dib u heshiisiineed oo ay qaramada midoobay soo agaasintay ay ka soconayaan wadanka Jabuuti kuwaas u dhaxeeya dowlada kmg ah iyo qaar ka mid ah mucaaradka gaar ahaan xubno ka tirsan isbahaysiga dib u xoreynta soomaaliya oo iyaguna isku khilaasan shirkaasi.

 wararkii Hore

Copyright © HornAfrik Media INC. 1999 - 2006. All rights reserved
Designed by AfroTech
Webmaster-Faracade20@hotmail.com