iska
hor’imaad xoog leh oo u dhaxeeyay Ciidamo katirsan dowladda
kmg ah iyo kooxo hubeysan ayaa xalay saqdii dhexe ka dhacay
isgoyska Hollwadaag ee Magaalada Muqdisho iyadoo saaka gabi
ahaanba ay xiran yihiin goobo ganacsiga qeybo ka mid ah suuqa
Bakaaraha kadib Ciidamo katirsan dowladda oo rasaas iska
ridaya.
Israsaaseyn xoogan oo saacado socotay ayaa xalay si wayn u
ruxaday deegaanada ku teedsan wadada koowaad ee suuqa
Bakaaraha,iyadoo daryanka madaafiicda u dhexaysay Ciidamo
katirsan dowladda kmg ah iyo kooxo hubeysan si wayn looga
maqlayay qeybaha kala duwan ee caasimada Magaalada Muqdisho.
waxaa saaka xiran dhamaan goobaha meherada ganacsiga wadada
koowaad ee suuqa Bakaaraha oo maalmahana xanibaadi ku timid ka
dib markii ay israsaaseyn xoogani ku dhexmartay ciidamo
halkaasi fariisinka ka dhigatay iyo kooxaha hubeysan ee diidan
siyaada dowladda iyo joogitaanka ciidamada itoobiyaanka waxana
mararka qaar ciidamadu rasaas ay ku soo ridayaan wadada 1=aad
ee suuqa,iyadoo rasaas wiifto ah ay dhaawac u gaystay dad
rayid ah.
Lama oga khasaaraha dagalkaani uu gaystay gaar ahaan
dhinacayada dagaalamay ayaan inta badan la ogeyn khasaaraha
kala gaara,balse dhimasho iyo dhaawac badan ayaa waxa ay soo
gaartaa dadka rayid ah markii dagaal caynkaan ah uu dhaco
iyadoo aysan jirin cid wax iska waydiisa khasaaraha rayidka
wixii ku soo kordha kala soco wararkeena dambe.