Qarax xoogan oo ka dhacay saakay Baydhabo.

(Mogadishu, Wednesday ,30,April 2008,(Hornafrik Media)

10 qof oo rayid ah ayaa ku geeriyootay inta la ogyahay tiro kalena waa ay ku dhaawacmeen qarax lagula beegsaday Magaalada Baydhabo ciidamo itoobiyaan ah iyadoo halkaasina uu khasaare ka soo gaaray ciidamadaasi.

Qaraxaan oo ahaa mid wayn ayaa waxa uu dhacay abaare saakay 7:30 subaxnimo waxana lala beegsaday ciidamo itoobiyaan ah kuwaas oo saakay soo dhoobtay wadooyinka Magaalada Baydhabo.

Ciidamada itoobiya ayaa la sheegay in marka qaraxa lala beegsanayay ay kusugnayeen agagaarka saldhig yaraha Magaaladaasi,waxana xiligaasi meesha qaraxu ka dhacay gudbayay booyad biyaha u qaada ciidamada itoobiya.

Guud ahaan Magaalada Baydhabo ayaa waxa si wayn looga maqlay daryanka qaraxaasi waxana ciidamada itoobiya ay fureen rasaas aad u tira badan taasoo sababtay dhimashada Dad badan oo rayid ah iyo dhaawaca kuwa kale waxana rasaasta ay raacinayeen jidwalba oo ay u arkeen inay ka baqdin qabaan.

Inta la ogyahay 10 ruux oo rayid ah ayaa ku geeriyooday rasaasta itoobiyaanku fureen iyadoo dadkaasi qaar kood la sheegay in si bareer ah ay u toogteen itoobiyaanku waxana dadkaasi ay marayeen nawaaxiga lagu qarxiyay ciidamada.

Sidoo kale qaar ka mid ah dadka goobta qaraxaani ka dhacay ka ag dhawaa ayaa sheegay in khasaare dhimasho iyo dhaawac leh uu soo gaaray ciidamada itoobiyaanka.

Ilaa iminka si dhab ah looma oga khasaare soo gaaray ciidamada itoobiya iyadoo dhamaan ay isku gadaameen wadooyinka muhiimka ah ee Magaalada Baydhabo.

Wixii soo kordha kala soco wararkeena dambe.

 wararkii Hore

Copyright © HornAfrik Media INC. 1999 - 2006. All rights reserved
Designed by AfroTech
Webmaster-Faracade20@hotmail.com