Tarafikada oo cabasho muujiyay.

(Mogadishu, Monday,12,May 2008,(Hornafrik Media)

Ciidamada nabadgalyada wadooyinka ee tarafikada ayaa walaac ka muujiyay hadal ka soo  baxay saraakiisha sar sare ee ciidamada nabadgalyada kuwaas oo amar ku siiyay taraafikada inay qataan hub ay isku difaacaan.

Ciidamada tarafikada ayaa lagu yaqaanaa inay isticmaalaan ulo iyo calaamado ay ku qoranyihiin tilmaamo muujinaya isdhaafka gaadiidka dadwayneha waxaana ay inta badan qataan shaati cad iyo sarwaal madow.

Xidigle Cabdi ababnuur Yusuf oo loo yaqaan (Guulwade) ayaa sheegay in lagu wargaliyay inay is hubeeyaan taasoo xitaa naftooda difaac u ah.

Waxa uu sheegay mas’uulkaani in markaani ka soo gaaray taliyaha ciidamada booliska cabid xasan cawaale qaybdiid iyo saraakiil kale.

Sidoo kale taliyaha hogaanka ka hortaga dambiyada ciidamada booliska Gen-Xuseen Yusuf dhuumaal ayaa isna sheegay in loo baahan in ciidamada tarafikada ay qaataan hub maadaama ay suuragal tahay in la bartilmaameedsado si markaasi ay isku difaacaan.

 wararkii Hore

Copyright © HornAfrik Media INC. 1999 - 2006. All rights reserved
Designed by AfroTech
Webmaster-Faracade20@hotmail.com