Ciidamada itoobiya oo siidaayay culuma Taqbliiq ah.
(Mogadishu,
Tuesday,13,May
2008,(Hornafrik
Media)
Waxaa
la siidayay culumo tabliiq ah oo maanta gudaha Magaalada
Baladweyne ee gobolka Hiiraan ay ka qabteen ciidamada
itoobiyaanka ee Magaaladaasi fariisinka ka samaystay.
Waxa dib
xoriyadoodii u helay ilaa 15 ka mid ah culumada tabliiqa oo
ciidamada itoobiya Ka kaxeysteen gudaha Magaalada Baladweyne
kuwaas oo ku sii jeeday Masjid kuyaala xaafada Buula xaadlay
ee Magaalada Baladweyne kadib dadaalo ay sameeyeen waxgaradka
ku dhaqan degmadaasi.
Macada ilaa
hada sababta dhabta ah ee ciidamada itoobiya culumadaasi ku
qabteen una kaxaysteen iyadoo culumadaasina la geeyay
deegaanka Janta-kundishe ee duleedka magaaladaasi oo ay
fadhiisin ku leeyihiin ciidamada itoobiya.
Qaar ka mid
ah culumada tabliiqa ayaa sheegay in su’aalo la waydiiyay
iyagoo dhinaca kale ay sheegeen inay ilaahay barbaryayaan
hadii mar uu ka soo bixiyay gacanta ciidamada anaajibta ee
itoobiya.
Dadka ku
dhaqan degmada Baladweyne ayaa aad uga carooday talaabada
itoobiyaanku ku xireen culumadaasi waxana ay sheegeen inay
tahay wax aan looga baahnayn ciidamada itoobiya.
Dhawaan
ayay ahayd markii ciidamada itoobiya ay Masjidka culumadaasi
caanka ku tahay ee Al Hidaya oo Magaalada Muqdisho kuyaala ay
ku dileen 21 qof oo 11 ka mid ah ay ahaayeen culumada Tabqliqa
waxana ka mid ahaa sheekhii imaamka ka ahaa masjidka Al Hidaya
sheikh Saciid Yaxye,iyadoo la sheegay in qaar ka mid ah
culumadaasi ay gowraceen ciidamada itoobiya.