Ciidamada
Sudan oo qabtay tahriibayaal somali ah
(Mogadishu,
Thursday
,15,May
2008,(Hornafrik
Media)
Caasimada
sudan ee Khartoum ayaa waxa lagu qabqabtay tahriibayaal
Soomaali ah kuwaas oo doonayay inay u gudbaan dalka Liibiya si
ay uga sii gudbaan halkaas dalka Talyaaniga.
sabtidii lasoo dhaafay ayay aheed markii uu fashilmay weerar
iskuday afganbi oo ay soo qaadeen kooxo mucaarad ah lagu
magacaabo dhaqdhaqaaqa cadaalada iyo sinaanta ee
sudan oo uu hogaamiyo khaliil ibraahiim.
weerarkaan ayaa wuxuu ka dhacay duleedka ummu durmaan oo kamid ah
sedaxda magaalo ay ka koobantahay caasimada dalka
sudan.
waa magaalo istiraatiiji ah oo ay ku yaalaan goobo muhiim u ah
dowlada sida radioga talifishanka iyo waliba xarunta taliska
guud ee ciidamada xooga qaranka.
bayaan oo ay soo saareen ciidamada
sudan
waxay ku cadeeyeen inay cashal lama iloobaan u dhigeen koxdii
weerarka fulinimada soo qaday oo nabad diidayaasha ah,waxay
eeda dusha kaga tuureen xukumada jaad oo ay yiraahdeen
ciidamadeeda iyo lab ayay soo siiyeen falaagada.
waxay muwaadiniinta reersuudaan ka codsadeen inay quryahooda
joogaan oo ay ciidanka gacanku siiyaan sidii loosoo qaban laha
kuwa baxsadka ah oo sacabka ku dhex dhuumaalesanaya.
baaritaan malintii axada aysameeyeen ciidamada waxay gurigooda
kasoo xireen arday soomali ah oo laga shakiyay gaari gurigooda
hortiisa taagnaa iyadoo sacada kadib lasii dayay .
sido kale shalay ayaa waxay ciidamada soo qabqabteen soomali
tahriibayaal iyagoo ku sugana guri ku yaal ummudurmaan halkaas
oo lagu aruurinayay si loogu gudbiyo gobolada kadibna liibiya.
dadkaan ayaan la garaneenin meel lagu xiray iyaga iyo ragii
suudaniyiinta ee masuulka ka ahaa.
waaxa ka mid ahaa sedax arday oo iyagu waxbarashadooda isaga tagay
hase yeeshee waxay sheegteen inay jaamacad dhigtaan, waxaa
lagu soo wareejiyay maamulka jamacada
africa oo ay dhiganayeen iyadoo maamulkana baasbooradooda uu
kaqaadan lamana garanayo waxa ay ciqaabtoodu noqondoonto.
waa iyaguna xiran labo nin somali ah oo hosha tahriibinta ka
shaqeesan jioreen.
hadaba kuwa tahriibka rara ayaa waxay muujinayaan niyad xumi iyo
waliba inaan lagu dhiirankarin wadada ilaa mudo.
laakiin aqoonyahanada iyo dadaka indheer garadka ah ayaa waxay ku
baqayaan inay haboontahay in soomalidu ay ka fiirsadaan wadan
iyaga tusaalo u soo qadanaya dhibaatooyinka joogtada ah ee soo
foodsaarto socotada.
waxay intaa ku darayaan in waagii hore liibiya iyo sudaan lagu tagi
jiray lacag gareesa 200$ hase yeeshee hada lacag aan laqiyaasi
karin ayay ku tagaan ayadoo dhoor meelood ay meel waliba ay
kooxo wax un iska sheegtaan kadibna ay sii daayan markay lacag
aan yareen ka qaatan.
mahad maxmuud maxmed khartoum-sudan
mahadaani@hotmail.com