Kooxda la
socodka hubka
Somalia
oo mudadii loo kordhiyay.
(Mogadishu,
Wednesday ,30,April
2008,(Hornafrik
Media)
Golaha
amaanka ee Qaramada midoobay ayaa ayaa waqtiga u kordhiyay
kooxdii u xil saarnayd la socodka hubka ee arrimaha Soomaaliya
xili dalka ay kusugan yihiin ciidamo fara badan oo ajaanib ah.
Kulan ay
isugu yimaadeen 15 xubnood ee golaha amaanka ayay ku
ansixiyeen go’aanka waqtiga loogu daro kooxda la socodka hubka
soomaaliya.
Kooxdaan oo
la sameeyay sanadkii 2003-dii ayaa waxa koontarooshaa hubka la
soo galiyay dalka soomaaliya waxana ay hoos tagtaa qaramada
midoobay
Qaar ka mid
ah dadka rayiga cabira ayaa sheegay in kooxdaani aysan wax
muhiimad ah ka ahayn arrimaha hubka ee soomaaliya oo qaramada
midoobay ay horey soomaaliya u saartay cunaqabayn dhanka hubka
ah,maadaama ciidamo badan ay joogaan soomaaliya,iyadoo
qaramada midoobay aysan ansixin soo galintaanka ciidamada
itoobiya dalka soomaaliya.
Qaraarkan
waqtiga loogu daray kooxda la socodka hubka soomaaliya la soo
galiyo ayaa waxa hada la sheegayaa inay eegayaan dalal gaar ah
oo hub ku soo daabula gudaha soomaaliya,laakin dalalkaasi lama
carabaabin.