Ciidamo Itoobiyaan ah oo weerar ku qabsaday gobolkaasi Hiiraan.

(Mogadishu, Wednesday,7,May 2008,(Hornafrik Media) Kolonyo gaadiidka dagaalka ah oo ay wateen ciidamadii Itoobiya ee ka guuray magaalada B/Burde ee gobolkaasi Hiiraan ayaa lagu soo waramayaa in weerar gaadmo ahaa loogu geystay duleedka tuulada Garasaani halkaasi oo wararka qaarkoodna ay sheegayaan in ay jiraan qasaarooyin horle oo gaaray askarta Itoobiya. 

Ilaa iyo labo ka mida gawaarida Itoobiyaanku ay caanka ku yihiin ee Uralka ayaa sheegay in ay ku basbeeleen weerarkaasi ka dib sawaariiqda garabka laga tuuro oo lala eegtay maanta. 

Dagaalka ayaa la soo sheegayaa in uu sababay qasaarooyinka kale oo horle. 

Ciidamada Itoobiyaanka ayaa ku sii jeeday magaaladaasi Beledweyn ee ku taala bartamaha dhexe ee Somalia. 

Dagaalka ayaa la aaminsan yahay in uu qayb ka yahay weerarada ka dhanka ah ciidamada Itoobiya ee ku sugan gudaha wadankani Somalia, kuwaasi oo dagaalo hubeysan ay ku furmeen tan iyo wixii ka dambeeyay markii ay duulaan ku soo galeen Somalia dabayaaqadii sanadkii la soo dhaafay ee 2006da.

 wararkii Hore

Copyright © HornAfrik Media INC. 1999 - 2006. All rights reserved
Designed by AfroTech
Webmaster-Faracade20@hotmail.com