Xalaada kismaayo oo lagu wado in wax laga bedelo.

(Mogadishu, Monday,12,May 2008,(Hornafrik Media)

Xildhibaan Barre Aadan shire Hiiraale oo ka mid ah xilibaanada ka soo jeeda jubbooyinka ayaa sheegay inay wadaan dadaalo ay wax kaga qabanayaan jidgooyooyin ay maleeshiya hubeysani dhigteen wadooyinka magaalada Kismaayo.

Xildhibaanka ayaa sheegay inay wadaan dadaalo xoogan oo wax looga bedelayo amaanka magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka jubbada hoose halkaasi uu haatanba ku suganyahay xilibaanku.

Sidoo kale xildhibaan Barre ayaa sheegay inay wadaa qaabkii maamulo loogu samayn lahaan dhamaan gobolada jubooyinka oo ay deganyihiin beelo soomaaliyeed oo fara badan.

Isagoo hadalkiisa sii watay ayuu yiri ma jirto cid aan ka hubaysanayno in maamulo ilaa heer gobol ah aan u samayno jubooyinka iyadoo loo marayo wadiiqo loo dhanyahay.

Xildhibaan Barre Shirre ayaa ka soo jeeda beesha Sade oo aad uga dhex cad cad beelaha dega gobolka Jubbada Hoose gaar ahaan xarunta gobolkaasi ee Kismaayo.

 wararkii Hore

Copyright © HornAfrik Media INC. 1999 - 2006. All rights reserved
Designed by AfroTech
Webmaster-Faracade20@hotmail.com