Wasiirka Gaashaandhiga oo ka dhoofay garoonka diyaaradaha
Muqdisho.
(Mogadishu,
Thursday
,15,May
2008,(Hornafrik
Media)
Wasiirka Gaashaandhiga ee wadanka
Burundi mudo sadex maalmood ah booqasho ku joogay Magaalada
Muqdisho ayaa maantay ka dhoofay garoonka caalamiga ah ee
Magaalada kadib markii uu wadahadalo la yeeshay Madaxda sare
sare ee dowladda kmg ah ee Somalia.
Wasiirka gaashaan dhigga Xukuumadda Dalka Burundi Germain
Niyoyankana ayaa goor dhaweyd shir jaraa'id ku qabtay gigada
diyaaradaha caalamiga ah ee Muqdisho kaasi oo uu kaga hadlay
arrimaha ciidamada AMISOM iyo kuwa dalka
Burundi
ka socda ee ku sugan gudaha Muqdisho.
Ugu horreynba waxaa uu wax laga xumaado ku sheegay weerarkii naftii
hurka aha ee xoogaga Al-Shabaab ku qaadeen xarunta jaamacadda
Umadda oo ay degan yihin ciidamada
Burundi halkasina khasaare uu kaso gaaray.
Wasiirka gaashaan dhigga Burundi Niyoyankana waxaa uu sheegay in
dalka ay uso galeen sidii nabadda ay u taageeri lahaayeen
balse aysan aheyn in xabad loogu badalo isagoona ku baaqay in
khilaafka Somalida wadahadal lagu dhameeyo.
Wasiirka ayaa shirkaasi kadib waxaa uu ka
laabta socdaalkiisi iyadoona ay goob joog ahaayeen
kulankaasi xubno sar sare oo ka tirsan dawladda Federaalka
isla markaana uu kamid yahay Madaxweyne Yuusuf,R/wasaare
Nuur Cade iyo saraakiil sar sare oo ka tirsan ciidamada
AMISOM.