Wasiirka
wasaarada maaliyada dowlada Somalia oo sheegay in balan qaad mushaar ay ka heleen hay’ada UNDP.
(Mogadishu,
Sunday
,18,May
2008,(Hornafrik
Media)
Wasiirka maaliyada xukuumada ku meel gaarkaa ee Somalia,
Maxamed Cali Xaamud ayaa sheegay in laga bilaabo bishaan May
ay balan qaad la xariira bixinta mushaaraadka shaqaalaha
wasaaradaha dowlada federaalka ay ka heleen hay’ada UNDP ee
Qaramada Midoobay islamarkaasna ay dhaqan gali doonto 20ka
bishaan aynu ku jirno.
Maxamed
Cali Xaamud oo maata shir jaraa’id ku qabtay xaafiiska
Muqdisho ayaa shaaca ka qaaday in muddo lix bilood ah ay
shaqaalaha wasaaradaha xukuumada ay mushaar ugu tala gashay
hay’ada Qaramada Midoobay ugu qaybsan hormarinta barnaamijyada
ee UNDP.
Wasiirka
ayaana sharaxaad dheeraad ah ka bixiyay sida lacagahaasi
mushaaraadkaa loogu kala qoondaynayo shaqaalaha dowlada KMG ee
ka howl-gala 18ka wasaaradood ee xukuumada federaalka ay
maamusho.
Codka wasiirka:-