Meydadka Dadkii rayidka ay dileen Ciidamada itoobiya oo Maanta la aasay.

(Mogadishu, Monday ,21 April 2008,(Hornafrik Media)

in ka badan 10 qof oo rayid ah kuwaas oo ay kujiraan culuma udiin ay ciidamada itoobiya ku gowraceen Masjidka Al Hidaaya ee ku yaala deegaanka waxaracade ayaa maantay la aasay xili tiro kale oo dad ah ay ciidamada itoobiya u wateen xarunta warshadii hore ee Baastada ee Magaalada Muqdisho.

Dhagayso. qaar ka mid ah culumada Tabliiqa oo ka hadlaya xasuuqa.

Dadka ay xasuuqeen ciidamada itoobiya ayaa waxa ka mid ah sheekh caan ah oo imaan ka ahaa Masjidka Al Hidaaya oo la yiraahdo SHeekh Saciid Yaxye.

Ciidamada itoobiya ayaa sidoo kale saakay waxa ay xarunta warshada baastada u taxaabeen dad dhowr ah oo ay ka mid yihiin qaar ka tirsan culuma u diinka Tabliiqa.

Meydadka dadkaan rayidka ah ayaa saakay lagu arkay goobihii ay shalay iska hor'imaadyada ka dhaceen waxana in ka badan 28 meydad dad rayid ah oo ciidamada itoobiya bireeyeen saakay lagu arkay agagaarka shaneemo cabdi waayeel iyo Masjidka Al Hidaaya.

Dadka deegaanka SOS ayaa sheegay in dadka meydadkooda saakay laga helay deegaanadaasi ay u badan yihiin culuma udiin ku ciibaadaysanayay masjidka Tabliiqa Al Hidaya waxana dhamaantood meydadkaasi ka muuqanayay gowrac.

Dhaawacyo ku go'doomay guryaha labadii maalin ee dagaaladu dhacayeen ayaa saakay iyaga oo aad u tabcaan ah laga soo saaray xaafado ka mid ah degmada huriwaa waxana dadkaasi ka mid ah carruur iyo haween Madaafiicda ciidamada itoobiya ridayeen ay ku dul dhaceen.

Dhimashada labadii maalmood ee dagaaladu ka dhaceen degmada huriwaa iyo qeybo ka mid ah degmada yaaqshiid ayaa waxa gaaraysaa dhimashada dad ka badan 100 qof,iyadoo ay ku dhaawacmeen ku dhawaad 250 ruux kuwaas oo isagu jiray dhinacyada dagaalku dhexmarayay iyo dadka rayidka ah,laakin khasaaraha ugu badan ayaa soo gaaray dadka rayidka.

Dhinaca kale Meydadka labo qof oo rayid ah oo ay shalay galinkii dambe toogteen ciidamada itoobiya ayaa saakay lagu arkay deegaanka xamarjadiid degmada wardhiilay ee Magaalada Muqdisho.

Meydadkaan ayaa laga helay agagaarka garoonka ciyaaraha Stadium Muqdisho iyo xaafada Baar Hilaac ee deegaanka xamarjadiid.

Toogashada dadkaan rayid ah ayaa la rumaysanyahay inay  timid kadib markii shalay galinkii dambe ciidamada itoobiya ee saldhiga ku leh garoonka ciyaaraha iyo deegaanka calikamiin ay kooxaha hubeysani weerar xoog leh ku qaadeen.

Howlwadeena goobaha caafimaadka ayaa sheegay in dagaaladaan dhexmarayay ciidamada itoobiya iyo kooxaha kacdoonka ay yihiin kuwii ugu khasaaraha badnaa mudooyinkaani iyadoo cusbitaalada Magaalada Muqdisho la dhigay dad ka badan 150 ruux oo isagu jira carruur,Haween iyo dad Da,ah.

 wararkii Hore

Copyright © HornAfrik Media INC. 1999 - 2006. All rights reserved
Designed by AfroTech
Webmaster-Faracade20@hotmail.com