Banaanbax
ka dhan ah WFP oo ka dhacay J/dhexe.
(Mogadishu,
Monday ,28,April
2008,(Hornafrik
Media)
Banaanbax
si weyn loo soo agaasimay looga soo horjeedo qaabka hay’ada
cuntada aduunyada ee marka magaceeda la soo gaabiyo loo
yaqaano WFP ayaa maanta ka dhacay bartamaha magaalada Bu’aale
ee xarunta u ah gobolkaasi J/dhexe.
Tiro dada
oo watay boorar ay ku qornaayeen erayo lid ku ahaa sida
saraakiisha hay’ada WFP ay cuno qaybinta uga wadaan gudaha
deegamada hoos taga maamulka gobolka ayaa isugu soo baxay
Bu’aale.
Dadka ayaa
si weyn u dhaliilsan raashinka hay’ada ee lagu keydinayo
baqaarada waa weyn ee ku yaala xarunta gobolka, xili gaajo iyo
sicirbarar baahsan uu ka jiro halkaasi.
Banaanbaxaasi ayaa ahaa kii ugu horeeyay oo looga horjeedo
hay’ada oo lagu oogo gudaha magaalada Bu’aale.
Ilaa iyo
iminkana ma jiraan wax jawaab bixin ah oo ka soo baxay
mas’uuliyiinta WFP ee ka howl-galaya iminka J/dhexe.