5 ruux oo
ku dhaawacantay israsaaseyn ka dhacday Ceelasha Biyaha
(Mogadishu,
Tuesday,13,May
2008,(Hornafrik
Media)
Ugu
yaraan 5 qof oo labo ka mid ah ay ahaayeen ciidamo ka
tirsan booliska gobolka shabeelaha Hoose ay ku
dhaawacmeen rasaas ay fureen ciidamo kale oo ka tirsan
dowlada kmg ah oo marayay deegaanka ceelasha biyaha.
Halka
dhibaatadani ka dhacay waxa la yiraahdaan Kaam qoryoolay oo ay
deganyihiin dadka ka barakacay Magaalada Muqdisho.
Waxa
wararku sheegayaan in israsaaseyntaasi dadku ku dhaawacmay ay
dhexmartay labo ciidan oo ka wada tirsan dowladda kmg ah ee
soomaaliya.
Warar
madaxbanaan ayaa sheegaya in ciidamo milatari ah oo wadada
marayay ay ku amreen askari boolis ah in qoriga uu wato uu
dhulka dhigo asna uu ka madax adeegay islamarkaana ay
bilaabatay israsaaseyntaasi.
Marka laga soo tago 5 ruux 3 ka mid ah ay ahaayeen rayid
dhaawacmay waxa jira qalqal iyo cabsi la soo daristay dadka
qaxootiga ah ee ku dhaqan deegaanka ceelasha biyaha.