4 qof oo Baladweyne lagu dilay.

(Mogadishu, Monday ,14 April 2008,(Hornafrik Media)

4 qof oo ay sadex ka mid ah ahaayeen dad shisheeye ah ayaa xalay kooxo hubeysan ay ku dileen Magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan xili uu shalay galinkii dambe halkaasi isaga baxay guddoomiyaha gobolkaasi Yusuf Axmed Hagar dabadeed.

Weerarkaan oo dhacay xalay saqdii dhexe ayaa yimid kadib markii kooxaha ka soo horjeeda siyaasada dowladda kmg ah ay si lama filaan ah u galeen gudaha Magaalada Baladweyne ee gobolka Hiiraan.halkaasoo ay ku weerareen goobo kala duwan oo uu ka mid  yahay hoyga guddoomiyaha gobolka Hiiraan.

Kooxahaan ayaa gubay saldhiga degmada Baladweyne iyagoo halkaasina maxaabiis ka sii daayay.

Waxa la sheegayaa in kooxaha hubeysani iskuul ku yaala degmadaasi ay galeen iyagoo ku dilay 4 qof oo sadex ka mid ah ay yihiin ajaanib.

Sadexda qof ayaa ku kala dhashay dalalka Uk iyo Kenya.

Weerarkaasi ayaa ku soo beegmaya xili shalay galinkii dambe ciidamada itoobiya isaga guureen dhinaca deegaanka janta kundishe iyadoo dhinaca kale guddoomiyaha gobolka Hiiraan uu isna isaga baxay gudaha degmada Baladweyne shalay galinkii dambe inkastoo aan la ogeyn sababaha keenay inuu guddoomiyuhu Ka baxo baladweyne.

Kooxaha hubeysan ee qabsaday xalay degmada baladweyne ayaa gubay dhowr gaari oo yaalay saldhiga booliska degmada baladweyne iyo hoyga guddoomiyaha gobolka.

Arwaax ibraahim cabdi oo ah gudoomiye kuxigeenka dhinaca arrimaha bulshada ee gobolka Hiiraan ayaa ka mid ahaa xubno shalay is casilay  

 wararkii Hore

Copyright © HornAfrik Media INC. 1999 - 2006. All rights reserved
Designed by AfroTech
Webmaster-Faracade20@hotmail.com