Ciidamada itoobiya oo nin rayid ah ku toogtay gudaha Magaalada
Baydhabo.
(Mogadishu,
Tuesday,13,May
2008,(Hornafrik
Media)
Ciidamada itoobiya ee kusugan magaalada Baydhabo ayaa
nin rayid ah maanta ku toogtay gudaha Magaaladaaasi xili
ay halkaasi marayay.
Wadooyinka
dhan Magaalada Baydhabo waxa maantay buuxiyay ciidamo
itoobiyaan ah iyagoo ay ka muuqatay foojignaan wayni.
Ciidamo
booliska ah oo ka tirsan dowladda kmg ah ee soomaaliya ayaa ka
sameeyay gudaha magaalada Baydhabo baaritaano.
Dilkaan
ciidamada itoobiya u gaysteen ninka rayidka ahaa waxa uu ka
dhacay afaafka hore ee saldhiga yaraha Magaaladaasi xili la
sheegay inay baaritaan ku sameeyeen marxuunkaasi.
Mid ka mid
ah ciidamada itoobiyaanka oo la sheegay inuu dhex taagnaa
wadada ayaa la sheegay inuu inta u yimid ninkii rayidka ahaa
ee baarista Lagu waday qalaanqaliyay deetana uu toogtay.
Macada
sababta ciidamada itoobiya u dileen ninkaasi rayidka ah waxana
la sheegayaa in meydkiisa uu yaalay intii ciidamada itoobiya
ay halkaasi joogeen,iyadoo guud ahaan dadka reer baydhabo ay
ka argagaxeen falkaani.
Dhawaan
ayay ahayd markii ciidamada itoobiya oo qaar kood lagu
qarxiyay gudaha Magaalada Baydhabo ay iyana dileen in ka badan
15 ruux oo rayid ah mana jirto cid wax iska waydiisay
khasaaraha itoobiyaanku u gaysteen rayidka.